DHAGEYSO:- Xildhibaan Jeesoow oo ka hadlay Odayaasha gaaray magaalada Jowhar

0

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn u mucaaradsanaa dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa rajo ka muujiyay  shirka maamul u sameynta labada gobol.

Xildhibaanka ayaa sheegay in shirkaasi dhawaan uu furmo doono, maadaama uu ku dhawaad 2 bilood hakad uu ku jiray  sii socoshada shirka maamulka loogu dhisayo labada gobol.

Sidoo kale wuxuu rajo ka muujiyay waxyaabaha kasoo bixi kara shirka dib kaga furmaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha DHexe.

Wuxuu sheegay in shirkaasi xoogiisa lagu wareejiyay odayaasha dhaqanka, taasi oo aheyd middii ay doonayeen markii hore.

Hoos ka Dhageyso Codka:-