DHAGEYSO:- Wasaarada amniga oo sheegtay iney ka warqabto duqeymaha Dalka ka dhaca

0

Wasaaradda AMniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto kana warqabto Duqeymaha ay Diyaaradaha Shisheeye ka fuliyaan qeybo ka mid ah Dalka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/Kaamil Macallin Shukri ayaa sheegay in Xukuumaddu ay ka warqabto Howlgallada ay fuliyaan Diyaaradaha ee lagu duqeeyo goobaha lagu tuhmayo Al-shabaab.

Afhayeenku waxaa uu sheegay in Wasaaradda ay ka warqabto in Degmada Jilib iyod egaannada hoosataga ay ku xoogganiyihiin Al-shabaab islamarkaana duqeymaha halkaas laga fuliyo ay wax ka ogtahay Dowladda Soomaaliya.

Dadka shacabka ah ayuu sheegay in aan la dqeyn,maddaama sida uu hadalka u dhigay marka hore la sahmiyo meelaha la duqeynayo kadibna sidaas howlgalka lagu fuliyo.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Amniga iyo Dowladda Soomalaiyaba ay soo dhaweyneyso duqeynaha ay geystaan Waddamada isbahaysiga la ah Dowladda ee ka howlgala Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-