DHAGEYSO:- AMISOM oo duqeysay deegaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose

0

Wararka ka imaanaya Degaano hoosyimaada Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degaanka Leego ay duqeyeen Dhamaan Tuulooyinka hoosyimaada Degaankaasi.

Duqeynta ayaa timid ka dib markii Ciidanka AMISOM ay Cabsi ka muujiyeen Weeraro uga yimaada Dhanka Al-shabaab,iyagoo Madaafiic ku garaacay Tuulooyin badan oo leego hoosyimaada.

C/fitaax Macalim Cabdulle Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay Madaafiicdaasi u rideen Cabsi ay ka qabaan Shabaab oo ah in aan Weerar lagu soo qaadin.

Ciidamada AMISOM ayaa Fariisin Milatari ku leh Degaanka leego,iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn Khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi.

Hoos ka Dhageyso Codka:-