DAAWO:- Xukuumada Soomaaliya oo muqdisho ku qabatay kulan loogu hadlaayay abaaraha dalka

0

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la yeeshay Culimada Soomaaliyeed iyo waxgaradka magaalada muqdisho kaaso oo looga tashanayay sidii Bulshada Soomaaliyeed iyagoo wada jira ay gacan uga geysan lahaayeen u gurmashada dadka ku tabaaloobay Abaata Ba’an ee laga soo Sheegayo inta badan Gobalada ku yaalla Koofurta iyo Waqooyiga Dalka Soomaaliya.

Culimada kulanka ka qeyb galay ayaa muujiyey muhiimadda in la sameeyo roob doon, Allahna la weydiisto dambi dhaaf si looga baxo dhibaatooyinka, cilimaduna ay talo ka bixiso sida roob doonta loo sameynayo.

C/qaadir Sherkh Cali Ibraahim Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa u jeediyey maamulada ka jira dalka in ay ka qeyb galaan hir-galinta qodobada kasoo baxay kulanka, oo sida uu sheegay sahli kara in ay yaraadaan abaaraha dalka kajira.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

99999 88888 66666 11111 5555 4444 3333 2222 1000