Baarlamaanka Dalka Kenya oo dalbaday in la cadeeyo waqtiga ciidamada kenya laga soo saarayo soomaaliya

0

Baarlamaanka Dalka Kenya oo dhawaan kulan ku yeeshay Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Nairobi ayaa Madaxweynaha dalkaaska ka dalbaday in uu cadeeyo xilliga Ciidamada Milatariga dalkaas laga soo saarayo Soomaaliya.

Tim Wanyonyi oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee dalka Kenya oo halkaas ka jeediyay khudbad dheer ayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ka dalbaday in uu keeno qorsho cad oo Ciidamada dalkaas looga saarayo Soomaaliya.

Mr Wanyoni ayaa xusay in Ciidamada Kenya ay Soomaaliya joogeen muddo dheer , hadana la joogo xilligii laga soo saari lahaa.

Sidoo kale Xildhibaankaan ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Kenya ay uga fadhiyaan Cadada rasmiga ah ee Ciidamada dalkaas looga dilay deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo Bishii January ee 2016.

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka dalka Kenya ee Xisbiga Jubilee ayaa Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku eedeeyay in dowladdiisa ay ku fashilantay ammaanka dalka Kenya oo qeybo ka mid ah Al Shabaab ka fuliyeen weeraro.

Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka dalka Kenya ataa dhawaan su’aalo ka weydiiyay weerarkii Ceelcade Wasiirada Gaashaandhiga ee Kenya iyo weliba Taliyayaasha Ciidamada Milatariga ee dalkaas.

Dowladda Kenya ayaan weli shaacin tirada Askartii looga dilay weerarkii lagu qaaday Xerada Ceelcade Cade ee Gobolka Gedo iyadoona Al Shabaab oo weerarkaas masuuliyaddiisa sheegtay ay tilmaameen in inkabadan 100 Askari oo Kenyan ahaa ay ku dileen.