SAWIRO+Wararkii ugu dambeeyay afduubka diyaaradii Masar

0

Inta badan rakaabkii la socday diyaarada EgyptAir ayaa lasii daayay kadib markii diyaarada laga dajiyay garoonka diyaarada Larnaca ee jazeerada Qubrus, sida masuuliyiin shirkada ka tirsan ay sheegeen.

Wadahadal u dhaxeeyay shirkada diyaarada leh iyo ruuxa afduubka geystay ayaa waxaa ka dhashay in lasii daayo rakaabka saarnaa diyaarada, shaqaalaha diyaarada  iyo afar ajaaniib aheyd oo diyaarada la socotay.

Muqaal laga soo duubay garoonka Larnaca ayaa muujinayay dadka oo diyaarada kasoo dagaya laguna qaadayo gaadiid bas ah.

Qaar kamid ah dadka diyaarada saaran ayaa sheegay in ruuxa afduubka geystay uu xirnaa jaakad waxyaabaha qarxa ah.

Diyaarada waxaa la socday 81 ruux oo ka tagay Alexandria waxayna kusii jeedeen magaalada Qaahira.

Garoonka diyaarada Larnaca oo ku yaala koofurta Jazeerada Qubrus ayaa la xiray, waxaana la joojiyay dhamaan duulimaadyada garoonkaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

1ba05af294aa4108a9f0ca85136d8137_18 600e0e504df14c1a8ee1931e1e0a7b49_18 88978688_88978687 88978688_88978687-1