Ciidamada Itoobiya oo dhaq dhaqaaq ciidan ka wada Bari gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u badan ay ka baxeen Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud,kuwaas oo u dhaqaaqay Degaanada Ceel-dheer iyo Galhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa la sheegay in Ujeedka ay halkaa u aadeen ay tahay dagaal ay la galaan Shabaabka ku sugan halkaasi sida Wararku ay sheegayaan.

Sidoo kale waxaa jira Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah oo iyana dhaqdhaqaaqyo ka wada degmada Ceel-buur Ee bariga Gobolka Galgaduud,kuwaas oo la filayo in ay ku biiraan Ciidamada ka tagay Dhuusamareeb ee Howlgalka halkaa ka bilaabaya.

Qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku sugan Dagaalameyaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.