UPDATE:- Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u diray Guuleed iyo Galmudug

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku guuleystey inay jabiyaan cadowga Al Shabaab oo iyagoo firxad ah degaannadaasi si dhuumasho ah ku soo galey.

“Waxaan anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan Ciidammada Qalabka Sida, aan ugu hambalyeynayaa ciidamada maamulka Galmudug oo kaashanaya shacabka, sida deg-degga ah ee ay uga jawaabeen maliishiyaadka naf la caariga ah ee Al Shabaab oo halkaasi qalalaase ka wadey. Waa wax lagu farxo in geesiyaasha Galmudug ay cashar lama ilaabaan ah u dhigeen cadowga’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqey inay kordhiyaan gulufkan cusub ee Al Shabaab la isaga xorreynayo iyagoo tusaale ka dhiganaya maamullada Galmudug iyo Puntland oo iyagoo kaashanaya shacabkooda iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku guuleysteen inay nabad diidka ka sifeeyaan dhulkooda.

‘’Waxaan taageero la garab taaganahay dhammaan maamullada ka jira dalka dagaalka lagula jiro argagixisada, waxaanna ku dhiirigelinayaa shacabka inay la shaqeeyaan, taageerana u fidiyaan ciidammada dowladda’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay kuna baaqey in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa, loona tayeyn lahaa Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.