SAWIRO:- Xabsiga Dhexe ee Xamar oo isbedelo laga dareemayo iyo Maxaabiista oo qolalka loo geliyay dhalooyin ay TV-yada ka daawadaan

0

Xabsiga Dhexe ee xamar ayaa xilligan waxaa laga dareemayaa isbedelo ku aadan qalabeynta qolalka Xabsiga ee Maxaabiista ay ku xiran yihiin, xilli muddooyinkii u dambeeyay Maxaabiista Xabsiga ku xiran ay ahaayeen kuwa aanan nolol wanaagsan xabsiga ku haysan.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii xabsiga looga hirgelin lahaa isbedelo kala duwan, iyadoo Xabsiga Dhexdiisa laga furay Iskuulo maxaabiista ay wax ku bartaan.

Sidoo kale Isbedeladii ugu dambeeyay ee xabsiga lagu sameeyay ayaa ah in Shaashadaha Tv-ga lagu xiray qolalka ay ku xiran yihiin Maxaabiista, waxaana Maxaabiista ay Tv-ga ka daawanayaan Ciyaaraha iyo Wararka.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay tani inay qayb ka tahay isbedelada kala duwan ee xabsiga lagu horumarinaayo si loo dhiso Mooraalka Maxaabiista Xabsiga ku xiran.

Dhalinyarada Xabsiga Dhexe ku xiran, inkastoo kiisas kala duwan ay u xiran yihiin, ayaa hadana waxa ay yihiin kuwa hada qaarkood ku qanacsan ku xirnaanshaha xabsiga, kadib markii ay heleen Sariiro fiican oo ay ku seexdaan iyo sidoo kale Tv-yo ay ka daawadaan Ciyaaraha.

Niyad Dhiska Taliyaha ciidamada Asluubta uu u sameeyo Maxaabiista ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah in xilliyada qaar uu Maxaabiista la cuno raashinka ay cunaan si dhiiragelin uu Maxaabiista ugu sameeyo.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Xabsiga 1 Xabsiga 2 Xabsiga 3 Xabsiga 4 Xabsiga 5 Xabsiga 6 Xabsiga 7