Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen oo maxaabiis isdhaafsaday

0

Dawlada Sacuudiga ayaa 9 askari oo laga heystay ku badalatay 109 maxbuus oo Yemeniyiin ah  oo ay ku hayeen xadka u dhaxeeya Sacuudiga iyo Yemen.

Wakaaladda wararka u faafisa Sacuudiga SPA ayaa ku waramaysa in saraakiisha dawlada Sacuudiga ee xaduudaha illaaliya iyo kooxda Xuutiyiinta ay is dhaafsadeen tiro maxaabiis ah oo labada u kala xirnaa.

Tirada maxaabiista Sacuudiga laga hayay oo 9 askari waxay ku badasheen 109 maxbuus oo kale.

Wararku waxay sheegayaan in maxaabiista ay dawlada Sacuudigu la wareegtay la geeyay xarun ciidan oo ku taala magaalada Riyadh sida warbaahinta dalkaas laga soo xigtay.

Waa heshiiskii ugu horeeyay ee dhex mara dawlada boqortooyada Sacuudiga iyo kooxda Xuutiyiinta ah ee ay kula dagaalamayaan dalka Sacuudiga.

Qiyaastii 6,000 ayaa ku naf waayay duulaanka Sacuudigu hormuudka u yahay  ee Yemen ka socda malaayiin kalena waa y ku barakaceen.