SAWIRO:- ku dhawaad 100 qof oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Bakistaan

0

Koox ka go’day  Taliban ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyo ka dhacay goob ku taala magaalada Lahore ee dalka Pakistan oo ay ku dhinteen inka badan 70 ruux oo caruur ay ku jiraan.

Garabka Jamaartul Ahrar oo ah garab ka go’ay Taalibaan ayaa sheegay in weerarkaasi ay la eegteen dad karishtan ah oo u dabaal dagayay maalinta Easter-ka.

Waxaa goobta lagu  arkayay waalidiin badan oo ka baadi goobaya goobta weerarka uu kadhacay  caruur ay dhaleen.

Madaxweynaha Pakistan ayaa weerarka cambaareeyay waxaana gudoomiyaha gobolka weerarka uu ka dhacay ku dhawaaqay seddex maalin oo baroordiiq ah.

Ugu yaraan 300 oo ruux ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxa waxaana laga baqayaa iney dhimashada intaasi kasii badato.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

88966340_88966245 88966405_fcbb79c6-b711-4330-bd3b-c63d74940f36 88966407_cf61242e-38b2-4d7c-b752-4fa119ba58a8 88966461_90c9051b-adcb-4eac-b99f-7f04300c1e13 88966463_b8617740-8d3e-41f1-96e5-70fe8d6bd08b 88966469_23118aa4-df35-4457-b0a8-230e97e77d08