DHAGEYSO: Wasiir Sheekh Xasan ” Waxaan ku amreynaa maamulada Degmooyinka iney qaadaan Isbaarooyinka”..

0

Sheekh Xasan Ibraahin Wasiirka Maaliyada Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Guddiga amniga ee Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulada egmooyinka Koofur galbeed lagu amray in ay qaadaan dhamaan isbaarooyinka yaalla degmooyinka ay ka taliyaan.

Waxa uu sheegay in maamul walbo laga doonayo inuu fuliyo amarada ka soo baxay maamulka Koofur galbeed iyo guddiga amniga ee maamulkaasi.

Sheekh Xasan Ibraahin ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Koofur galbeed ay ka go’an tahay in la qaado isbaarooyinka yaallaguud ahaan  deegaanada ay ka taliyaan.

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya oo uu Madaxweyne ka yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo lagu qaadayo isbaarooyinka yaalla deegaanadooda, waxaana dadaaladaasi barbar socday in la magacaabay guddiga Heer Wasiiro ah oo ka shaqeynaya qadista isbaarooyinka iyo xaqiijinta amniga guud ee deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-