DHAGEYSO WAREYSI MADAXWEYNE GUULEED:- GALMUDUG oo shaaca ka qaaday Tirada Al-Shabaab ay kaga dileen dagaalada ka dhacay deegaanadeeda

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in ay soo afjareen dagaaladii ay ururka Al-shabaab kula galeen deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Madaxweyne Guuleed oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa uu sheegay intii uu dagaalka socday in ay dileen 115 Al-Shabaab ah, islamarkaana ay qabteen maxaabiis gaareysa illaa 110.

Guuleed ayaa ballan qaaday in maxaabiista ay maamulkiisa hayaan loola dhaqmayo si waafaqsan diinta Islaamka, shuruucda dalka iyo shuruucda caalamka.

Maamulka Galmudug ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in dagaalka looga dilay 1 sarkaal halka 7 askarina dagaalka looga dhaawacay.

Ugu dambeyntiina maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO