DHAGEYSO SHIRARKA JARAA’ID GAAS IYO SHARMAARKE:- Ra’iisul Wasaare Sharmaarke iyo Madaxweyne Gaas oo Maanta dhagax dhigay Dhisme cusub oo Isgaarsiinta Muhiim u ah

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, Mudane Guuleed Xuseen Qaasim iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland, Mudane Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa wadajir u dhagax dhigay Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta (ICT), waxana dhagax-dhigga kadib Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in mashruucani uu wax badan ka badeli doono adeegga Isgaarsiinta dalka iyo isdhaafsiga Macluumaadka.

Sidoo kale munaasabadda Dhagax dhigga ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubo ka tirsan golahayaasha wasiirada ee Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya, Waxaana Munaasabadda Dhaga-dhigga hadallo faahfaahin ka jeediyey Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland iyo Wasiirka Boostada iyo isgaadhsiinta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in nidaamkani uu wax badan kusoo kordhin doono nidaamka isdhaafsiga xogaha ee wasaaradaha kala duwan ee dawladda Puntland iyo guud ahaan isgaadhsiinta Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO SHIRARKA JARAA’ID RA’IISUL WASAARE SHARMAARKE IYO MADAXWEYNAHA PUNTLAND GAAS