DHAGEYSO:- IGAD oo dadka saameeyeen abaaraha Soomaaliya ugu deeqday lacago badan

0

Xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in IGAD ay door ka ciyaari doonto wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Maxbuub Macalin, ayaa sheegay in masuuliyiinta Puntland oo ay la shireen iney iskala hadleen wax ka  qabashada abaaraha ka jira deegaanada Puntland iyo deegaanada kale ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in wadamada qeybta ka ah IGAD ay doonayaan iney wax u qabtaan dadka ku dhibaateysan Soomaaliya.

Deegaanada ugu daran ee abaaraha daran ay ka jireen ayaa ku yaala Somaliland iyo deegaano ka tirsan Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka:-