DHAGEYSO:- Dowlada oo ka hadashay biyo xireenka ay sameeyeen Madaxda Dowlad deegaanka Itoobiya

0

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in biyo xireenka ay sameeyeen Madaxda Dowlada Deegaanka Itoobiya eek u aadan  Wabiga Shabeelle.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Dowlada aysan arrimahaasi la socon isla markaana aysan ka war heyn.

Waxa uu sheegay in hadii ay jiraan wararkaasi ay wada hadal la galayaan Madaxda Dowlad deegaanka Itoobiya si loo furo biyaha ay xireen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-