DHAGEYSO:- Digniino loo jeediyay Masuuliyiinta Degmooyinka hoos taga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

0

Sheekh Xasan Ibraahin Wasiirka wasaarada maaliyada Koonfur Galbeed ahna guddoomiyaha guddiga amniga ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in maamulada degmooyinka Koonfur Galbeed lagu amray in ay qaadaan dhamaan isbaarooyinka yaalla degmooyinka ay ka taliyaan.

Waxaana dhanka kale uu tilmaamay in maamul walbo laga doonayo inuu fuliyo amarada ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo guddiga amniga ee maamulkaasi.

Sheekh Xasan Ibraahin ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay in la qaado isbaarooyinka yaalla guud ahaan  deegaanada ay ka taliyaan.

Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe waday howlgallo lagu qaadayo isbaarooyinka yaalla deegaanadooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO