Weerar Askar ay ku dhinteen oo lagula qaaday Ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo ku sugan Shabeellaha dhexe

0

Ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhintay 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar Al Shabaab ay wadada ugu galeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Fedetaalka oo ka soo baxay deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo wareedyo ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamada la weeraray ay ku sii jeedeen deegaanka Biyo Cade oo Mushaar loogu qeybinayay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya eek u aadan weerarkaasi.