WAR DEG DEG:- Ciidamada Dowlada oo isaga baxay Deegaanka Ceel-baraf Gobolka Shabellaha Dhexe

0

Wararka laga helayo Degaanka Ceel-baraf Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayb halkaa iskaga baxeen,kuwaas oo u Ruqaan saday dhanka Degmada Jowhar.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay degaanka ka baxeen Labo Maalin ka hor,kuwaas oo uga baxay degaanka Mushaar la’aan soo food saartay.

Degaanka Ceel-baraf Ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa Duleedkiisa ku sugan Ciidamada Midawga Afrika Ee AMISOM kuwaas oo Fariisin ku leh halkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Saaka gudaha u galeen Degaanka Ceel-baraf ee Gobolka Shabellaha Hoose,iyadoo Odayaashii degaanka ee Ciidamada Xoogga halkaa ku soo dhaweeyay la sheegay in ay Degaanka ka Carareen oo ay galeen Xerada Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Banaanka Degaanka,kuwaas oo ka cabsi qaba in Shabaab ay dhibaateeyaan.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa Ceel-baraf la wareegay Bishii la soo dhaafay,halkaa oo Mudo ay Maamulayeen  Al-shabaab.