UPDATE:- Sanders oo ku guulaystay Washington iyo Alaska

0

Ninka u tartamayo musharaxnimada madaxtinimada xisbiga Dimuqraadiga, Bernie Sanders ayaa ku guulaystay goballada Washington iyo Alaska.

Sanders ayaa isku dayaya in uu yareeyo farqiga u dhaxeeya isaga iyo Hilary Clinton.

Senator Sanders waxaa la qiyaasayaa in uu helay 72% codadkii Washington halka Clinton ay heshay 27%.

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku waramaysa in codadkii laga dhiibtay gobalka Alaska uu Mr. Sanders ka helay 79% halka Clinton ay heshay 21%.

Waxaan wali soo bixin natiijooyinka doorashooyinka isreeb-reebka gobalka Hawaii, halkaasoo qiyaasaha ka soo baxaya ay muujinayaan in Senator Sanders uu ka horreeyo Hilary Clinton.