DHAGEYSO:- Turkiga oo ka hadlay fashilka ku yimid dagaalka ka dhanka ah Daacsih

0

Afhayeen u hadlay madaxtooyada dowlada Turkiga ayaa soo jeediyay in dib u eegis lagu sameeyo xeelada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka dagaalanka dalalka Syria, Iraq iyo Libya farax-na  ku leh dalka Soomaaliya.

Isaga oo la hadlay wargeyska Daily Sabax Ibraahin Kaalin afhayeenka u hadlay madaxtooyada Turkiga wuxuu sheegay iney tahay in cashar laga bartaa ficiladii Daacish ay ka geysteen magaalada Brussels oo ay ku dileen 31 ruux halka lagu dhaawacay dad kale oo badan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in cashar laga bartaa weeraradii qaraxyada ee ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalooyinka Istanbul iyo Ankara ee dalka Turkiga.

“Marka ugu horeyso xeelada dagaal ee ka dhanka ah Daacish waa in dib lo eegaa, Muslimiinta iyo wadamada reer galbeedka waa iney si wadajir ah u shaqeeyaan si loo baabi’iyo Daacish haddii ay joogaan, Soomaaliya, Iraq, Syria, Belgium iyo France”ayuu yiri afhayeenka u hadlay Turkiga.

Dhinaca kale afhayeenka wuxuu sheegay in dagaalka Daacish lagu bilaabay oo kaliya duqeyn lala eegtay kooxda, taasi oo sahashay iney dhankooda sii wadaan weerarada ay ka geysanayaan meelaha ka baxsan Syria.

Horey ayaa madaxweynaha Turkiga wuxuu sheegay in Daacish ay ka abuurantay amniga Iraq oo liitay iyo siyaasad xumo ka jirtay dalkaasi.

Ugu dambeyn afhayeenka madaxtooyada Turkiga u hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la isweydaarsado xogaha dhanka sirdoonka si looga hortago weeraro kale oo Daacish ay geysan karaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-