TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo 1-Milyan oo Dollar ugu deeqday Dadka ay abaaraha sameeyeen

0

Guddiga Abaaraha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho,waxaa ay Lacag dhan Hal Milyan oo Doollar ugu deeqeen Abaaraha ka jira Gobollada Dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya,islamarekaana ka mid ah Guddiga Abaaraha ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Max’ed Aadan Ibraahim Farkeeti ayaa ku dhawaaqay in Dowladda Soomaaliya ay Hal Milyan oo Doollar ugu deeqday dadka ay abaaraha saameeyeen.

Wasiir Farkeedti,waxaa uu sheegay in ay la kulmeen Guddigooda Ganacsatada vDalka islamarkaana ay isku afgarteen in Abaaraha Dalka ka jira aan loo kala harin wax ka qabashadooda,isaga oo raaciyay in Beesha Caalamkana ay la kaashanayaan Abaaraha ka jira Dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowladdu ay diyaarineyso qorshe Abaaraha iyo Fatahaadaha looga hortagayo kaas oo Mustaqbalka ka dhici kara Dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed,waxaana ay dhamaantood ku baaqeen in wax laga qabto Abaaraha ka jira Dalka.

HALKAAN KA DHAGEYSO