DHAGEYSO:- Qaramada Midoobe oo soo jeedisay sida laga yeelayo Caruurti Al-Shabaab ee Puntland qabatay

0

Wakiilka Q,M u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya danjire Michael Keating oo ka hadlayay  dhalinyarada ka tirsanaa Al-Shabab ee ay Puntland ku qabatay dagaalkii ka dhacay dhawaan gobolada Mudug iyo Nuugaal ayaa codsaday in loola dhaqmo si waafaqsan xeerka caalamiga ah ee dhawrista xaquuqda aadanaha.

Danjire Michael Keating waxaa uu sheegay in dhalinyarada la qabtay oo caruur u badan ay u baahan yihiin inay helaan adeegyo aas aasi ah sida dhaqan celin iyo in la daryeelo sida uu yiri.

“Caruurtaan Al-Shabab ka tirsan waxay u baahanyihiin inay helaan adeegyo muhiim ah oo sahlaya in la dhaqan celiyo si ay dib ula midoobaan eheladooda” ayuu yiri Keating oo ah wakiilka Q,M ee Soomaaliya.

Al-Shabab ayuu ku eedeeyay inay caruur yar yar  u adeegsadaan dagaalka oo ay geeyaan furumo dagaal kadibna ay dhibaato soo gaarto.

Wakiilka Q,M waxaa uu sidoo kale Maamulka Puntland weydiistay inaysan ku cad gudbin xeerarka caalamiga ah ee xaquuqda caruurta ee ay Soomaaliya saxiixday sanadkii hore.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa warbaahinta maalmahaan usoo bandhigayay maxaabiis caruur u badan oo ay ka qabteen dagaalamayaal Al-Shabab ka tirsan oo gobolada maamuladaas tagay.

HALKAAN KA DHAGEYSO