DHAGEYSO FALANQEYN:- Maxaa maanta ka socda Beledweyn ? Wararkii ugu dambeeyay Kulamada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Odayaasha HIIRAAN

0

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in markale uu kulamo la qaato odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo shalay ay isku fahmi waayeen kulankooda.

Wararka saaka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka la filayo in madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmo odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa shalay diiday iney la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud kadib markii ay dalbadeen seddex arimood oo ay ugu horeyso in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe laga dhigo Beledweyne.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo wafdigiisa oo habeenkii labaad xalay ku hoyday ayaa doonaya in odayaasha dhaqanka Hiiraan ku qanciyaan ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiisa taalo magaalada Jowhar.

HALKAAN KA DHAGEYSO FALANQEYNTA