DHAGEYSO:- Maamulka Galmudug oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

0

Saraakiisha Maamulka Galmudug ee Dagaalka la galay Al-shabaab ayaa sheegay in Sargaal sare oo ka tirsan Shabaab islamarkaana Hogaaminayay dagaalkii ka dhacay Bariga Gobolka Mudug ay Ciidamada galmudug qaarajiyeen.

Sargaalka oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey ayaa lagu dilay Dagaal ka dhacayTuulada Jiray ee Bariga Gobolka Mudug sida ay Xaqiijiyeen Saraakiisha Galmudug.

Dhanka kale Galmudug ayaa maanta soo bandhigtay  16 Maxaabiis Al-shabaab ah oo lagu qabtay Dagaalkii ay wada Galeen Ciidamada Galmudug iyo Shabaab.

14 ka mid ayaa lagu soo bandhigay  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ,halka Labada kale lagu soo Bandhigay Aaga uu Dagaalku ka dhacay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-