Hambalyo: Maamulka Iyo Shacabka Puntland Sida Ay Isaga Difaaceen Argagaxisadi Ku Soo Duushay Iyo Kuwa Soo Abaabulay, Dagaalse Hadduu Biloow Yahay Ee Ma Dhamaan.

0

Waxaa mahad oo dhan u sugnaatay Allaah Subxaanahu Watacaalaa, waxaa kaloo Mahad Leh adoomihiisa gartay inay iska difaacaan argagixisada kusoo duushay Puntland, sida Madaxda maamulka,Ciidamada iyo Shacabka Puntland sida ay u muujiyeen wadajirka iyo adkeysiga ugana go’an tahay difaaca maamulkooda iyo Deegaanadood. waxaan oranayaa  HAMBALYO MAAMULKA IYO SHACABKA PUNTLAND.

Waxaa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah in Maamulka iyo Shacabka rere Puntlad si bareer ah loogu soo duulay, xaqna ay u leeyihiin wax walba oo ay awoodaan inay u adeegsadaan difaaca deegaanadooda iyo maamulkooda la doonayo in argagaxa la galiyo.

Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee lasoo abaabulay ee kasoo duulay degmada Xarar dheere, dowladda Soomaaliya waa ay ogeyd inay isku aruursanayeen degmadaas weerarna ku yihiin deegaanada Puntland, dowladda Soomaaliya ugama aysan digin maamulka Puntland in weerar kusoo wajahan yahay amaba ay jiraan dhaq dhaqaaq argagixisadu ka wadaan deegaanada u dhow Puntland.

Sidoo kale Maamulka Galmudug Madaxda ugu sareysaa waa ay ogaayeen dhaq dhaqaaqa argagixisada ka wadan degmada Xarar Dheere iyo nawaaxigeeda, waa ay ogaayeen in dhaq dhaqaaqa abaabul ee argagixisada uu yahay mid ah abaabul dagaal oo ku wajahan Puntland, sidoo kale iyaguna umma aysan digin amaba ma wargalin Maamulka Puntland waxa ka socda degmada Xarar Dheere.

Haddaba markaa intaa oo dhan eegto sawirka kuusoo baxaya waxa uu yahay Punntland waxaa kusoo duulay Maleeshiyaadka Argagixisada Al Shabaab oo garab ka helaya Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka curdunka ah ee Galmudug.

Maamulka iyo Shacabka Puntland oo kaashanaya amaba hiil iyo hooba la garab taagan ciidamadooda markii ay soo afjareen dagaalki Maleeshiyaadka Argagixisada Al Shabaab ee duulaanka kusoo qaaday, haddaba soo ceeb iyo wajigabax ma ahan in maamulka Galmudug yiraahdaan dhoowr iyo sodon aragagixiso ah ayaan qabanay? dadka soo isma weydiinayaan Galmudug dhoowr iyo sodonka firxadka ah ee aad leedihiin waa qabanay maxaad u qaban weydeen inteysan ku duulin Puntland oo aad usii galbiseen?

Dhinaca kale Waa xaqiiqo in duulaankan argagixisada ee ka dhanka ahaa Maamulka iyo Shacabka Puntland lug ay ku leeyihiin dowladdaha ciidamadooda ay dhooban yihiin Badda Soomaaliya, sababtoo ah kaluumeysatada ku nool deegaanada xeebaha Soomaaliya ma kaluumeystaan iyagoon aan la qaban amaba la weydiin waxa ay yihiin, taas oo dhalinaysa inaan isweeydiino war maleeshiyaadka argagixisada Al Shabaab seebeey Badda u mareen iyagoo wata Doonyo dheereeya uguna gudbeen deeganaada Puntland, marba haddii Kaluumeysatadi subaxii Badda gasha la qab qabanayo aysana Kaluumeysan karin? PUNTLAND WAA LAGU SOO DUULAY (PUNTLAND UNDER ATTACK)

Maamulka iyo Shacabka Puntland Talo Ku Socota?

Waxaa xaqiiqo ah in wejigii koowaad ee dulaanka argagixisada iyo kuwa ku hagayay telefoonada meel walbaa oo ay joogaanba ay kusoo qaadeen deegaanada Puntland in aad ka guuleysateen, waxaase hubaal ah in uu dagaalkan ka dhanka ah Puntland uu hadda biloow uu yahay ee uu dhamaan, aadna arki doontaan isagoo marba shaar cusub loo soo galinayo, waana inaad u diyaar garoowdaan sidii aad isaga difaaci laheydeen cadowga nooc walboo uu yahay.

Marba xaalku hadduu sidaa yahay waxaan idinkula talinayaa:

1- In aad Midnimadiina iyo Wadajirkiina aad Xoojisaan, si aad uga guuleysataan cadowga duulaanka idinku soo ah.

2- In aad baaritaan iyo dabagal dheer ku sameysaan dadka cadowga idiin adeegsanayo ee idinku dhexjira.

3- In sida cadowga idiinla dhaqmayo aad ulla dhaqantaan, taas oo ah deegaanada laga soo abaabulayo weerarada ka dhanka ah Maamulka iyo deegaanada Puntland inaad adinkana aad saaxiibo ku yeelataan deegaanada laga soo abaabulayo weerarada islamarkaana aad ababaushaan saaxiibadiin.

4- Waxaa sidoo kale xaqiiq biyo kama dhibcaan ah, ninkii ogaana waa uu og yahay, kaan ogeyna hadda ha ogaado, Puntland iyo deegaanadeeda haddii lagu soo duulay waxay ka dhigan tahay iyadoo Daarood oo dhan lagu soo duulay, waxaana kula talinayaa in Maamulka Puntland ay shirweyne deg deg ah oo dhaqan iyo siyaasadba ah qabataan isuguna Yeeraan dadka kasoo jeeda asal ahaan Puntland (Daarood).

Cidna loogu dulqaadan maayo, saaxiibna lagula noqon maayo, lagamana yeelayo, burburinta Maamulka iyo barakicinta Shacabka Puntland.

Gabagabadi waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka rajeenayaa in Maamulka iyo Shacabka Puntland uu mar walbaa iyaga ka dhigo garabkooda Guusha, sababtoo ah gurigaaga iyo reerkaaga ninkii kusoo duulaa waa Daalim, ninka aan difaacin gurigiisa iyo reerkiisana waa Dayuus, sidaa awgeed waa muqadas difaaca Puntland sababtoo ah dadka ku nool waa dadkeeni, dhulkana waa dhulkeeni, kaan ogeynoow qaadan meyno dhulkii awooweyaasheen ku aasnaayeen amaba qabriyadii awooweyaasheen ku aasnaayeen i xabad laga dul rido, Puntland waa lama taabtaan.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg