DHAGEYSO:- Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee gobolka Sh/Hoose oo soo saaray amaro culus

0

Jeneraal Ibraahin Yarow oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada Dowladda ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in dil toogasho ah  lagu fulin doono ciidamada Jidgooyooyinka u dhigta Bulshada.

Waxa uu sheegay Ibrahin Yarow ciidanka iyo kuwa aanan ciidanka aheyn ee la qabta iyaga oo dhiganaya Isbaaro in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono oo xukunkooda uu noqon doono dil toogasho ah.

Gaadiidleeyda Gobolka Shabeellaha hoose isticmaasha ayaa ka cabanayaaya Isbaarooyin badan oo la soo dhigay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose oo gaadiidka lacago looga qaado..

Hoos ka Dhageyso Codka:-