DHAGEYSO:- Madaxweyne C/kariin oo Dowlada ka dalbaday iney ka gacan siiso dagaalka Al-Shabaab

0

Iyadoo dagaal xoogan uu maalmahan ka socday Deegaano katirsan Gobolka Mudug ayaa waxa uu Hogaamiyaha Maamulka Galmudug C/kiriin Xuseen Guuleed ku hanjabay inay Shabaab dagaalkii ugu dambeeyey la geli doonin.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in dhawaan ay soo afjari doonaan dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab islamarkaana ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen mudadii ay la dagaalamayeen.

Cabdikiriin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inay ku dadaalayaan sidii deegaanada uga xoreyn lahaayeen Al Shabaabka kusoo duulay sida uu hadalka udhigay.

Madaxweyne Guuleed ayaa ka codsaday Dawlada Dhexe ee Soomaaliya inay ku taageerto la dagaalanka Al Shabaab ayna hiil iyo hoo intuba la garab istaagto.

Hadalkaan ayuu ka sheegay mar uu ku booqday Dhaawacyada Askar kusoo waxyeeloowday dagaalkii maalmahan ka dhacayey Bariga Mudug oo la jiifiyey Cusbitaalka Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-