DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Sh/Hoose oo sheegay in ay qaadeen Isbaarooyinkii yaallay Gobolkaasi

0

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in ay inta badan Isbaarooyinkii yaallay Gobolka Shabeellaha hoose qaadeen, islamarkaana Waddooyinka Gobolka ay inta badan Amaan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Cali  ayaa sheegay in inta badan isbaarooyinka ay ka qaadeen Waddooyinka,waxaana uu intaa raaciyay in Waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhaba ay wali ka jiraan Isbaarooyin kuwaasna ay ku howllanyihiin qaadistooda.

Raashinka la geeyo Gobolka Shabeellaha  hoose ayuu sheegay in laga keeno Muqdisho,sidoo kale Qudaarta la geeyo Muqdisho  la baxdo Gobolka Shabeellaha hoose,taas oo sameyn taban ku yeelatay  Ganacsiga Dadka Gobolka Shabelelaha hoose.

Baro koontarool oo Ciidanka Dowladda ay leeyihiin ayuu sheegay in ay ku yaallaan Waddada aadda Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana uu intaa raaciyay in dhinaca Magaalada Marka ay hadda ku jiraan wax ka qabashadeeda,halkaas oo iyana ay yaallaan isbaarooyin badan,kuwaa soo lagu dhibaateeyo Dadka mara Gobolka.

Hoos ka Dhageyso Codka:-