DHAGEYSO:- Gudoomiye Axmed Faal ” deegaanada aan ka saarnay Al-Shabaab waxaan gaarsiineynaa Adeegyada Bulshada”..

0

Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasida iyo amniga ee Maamulka Gobolka Sh/Dhexe Axmed Meyre Macoow ” Axmed Faal” ayaa sheegay in ay wadaa qorshooyin Adeegyada bulshada loogu geynayo deegaanada ay dhawaan ka saareen Al-Shabaab ee gobolka Sh/Dhexe ka tirsan.

Waxa uu tilmaamay in shacabka deegaanada laga saaray Al-Shabaab ay u baahan yihiin in loo dhameystiro Adeegyada Bulshada isla markaana ay la soo xiriireyn Maamulka Gobolka Sh/Dhexe.

Gudoomiye Axmed Faal ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan in ay qanciyaan shacabka ay  masuulka ka yihiin oo uu sheegay in ay iminka u baahan yihiin oo keliya in loo dhameystiro adeegyada Bulshada.

Hoos ka Dhageyso Codka:-