DHAGEYSO:- Dowladaha Jordan iyo UK oo Alshabaab kula dagaalamaya dalka Soomaaliya

0

Dowladaha Jordan iyo UK ayaa sheegay iney si wadajir ah isaga kaashan doonaan la dagaalanka kooxaha Daacish iyo Alshabaab oo ku sugan dalka Soomaaliya iyo dalal kale oo caalamka ku yaala.

Labada dowladood ayaa sheegay iney il gaar ah ku eegi doonaan dhaqdhaqaaqyada cusub ee kooxda Daacish ay ka sameyneyso gudaha dalka Soomaaliya ayna ka hortagi doonaan.

Boqor Cabdallaha labaad ee dalka Jordan ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay ka weecdeen dhanka la shaqeyn xaga sirdoonka dowlada Mareykanka ayna la shaqeyn doonaan ciidamada UK sabab la xiriirto jaho iyo wadashaqeyn ay ka waayeen Mareykanka.

“Dowlada Uk waxay hadda kadib heli doontaa inay la shaqeeyaan ciidamada dowlada Jordan gaar ahaan ciidamada qaaska ah, Jordan waxay eegeysaa Alshabaab sababtoo ah la iskama indho-tiri karo”

“Al-shabaab waxay saldhig ku leeyihiin Soomaaliya sido kale Daacish waxay dooneysaa iney saldhig ka dhigato si ay saameyn u yeelato, waxaan  deg deg u daabuleynaa ciidamo garabtaagnaada UK iyo Kenya si Alshabaab loola dagaalamo” ayuu yiri boqorka Jordan.

Sidoo kale boqorka wuxuu sheegay iney labo jibaari doonaan  dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish taabacsan ee ka dhisan dalka Libya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-