DHAGEYSO:- Banaanbax weyn oo loogu Kooxda Monitoring Group oo Muqdisho ka dhacay

0

Banaanbaxan looga soo horjeeday warbixinada ay soo saarto Kooxda Dabagalka Cuna qabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya ayaa ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa sidoo kale lagu taageeray qorshayaasha hormarineed iyo waxqabadka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah Shacabka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir, iyo Waxgaradka Muqdisho, waxaana intii uu Banaanbaxa socday lagu soo bandhigay Suugaan ka turjumeyso sida shacabka soomaaliyeed ay ugu soo horjeedaan Warbixinada ay soo saarto Kooxda Monitoring Group.

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay Banaanbaxa oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxay si isku mid ah ugu soo horjeesteen Kooxdaasi.

Kooxda Monitoring Group ayaa dhowr mar soo saartay Warbixino ay ku eedeeyneyso Shaqsiyaad ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyo ganacsato soomaaliyeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-