Daawo Sawirada Booliska Faransiiska oo gacanta ku dhigay nin qorsheynaayay inuu weeraro ka geysto Dalkaasi

0

Ciidamada Booliska Faransiiska, ayaa waxay gacanta ku soo dhigeen nin lagu eedeeyay inuu qorsheynaayay weerar uu ka gaysto dalkaasi. Hawlgalka lagu soo qabtay, ayaa Khamiistii ka dhacay Degmada Argenteuil Ee Waqooyi Galbeed Magaalada Paris.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska, Bernard Cazeneuve oo Saxaafadda la hadlay, ka dib markii ninkaasi la soo xiray, ayaa sheegay inuu ahaa nin keli duul ah oo damacsanaa weerar abaabulan.

“Nin keligii duul ah oo qorsheynaayay inuu weerar ka gaysto wadankeena, ayaa lagu xiray Waqooyi Galbeed Paris. Xoogaga ammaanku waxay xireen wadooyinka, intii uu hawlgalkaasi socday.” Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka, ayaa yiri “Hawlgalkan waxaa uu daba socday Booliska oo subaxnimadii Khamiista dad soo xir xiray, taasi oo inaga caawisay in aan fashilino qorshe lagu doonaayay in weerar lagu gaysto. Qorshahaasi oo heer gaba gabo maraayay.”

“Ninkani wuxuu la shaqaynaayay shabkad argagaxiso oo dooneysay in ay weerarto dalkeena.” Ayuu yiri Wasiirka. Wasiirka waxaa uu ka gaabsaday in ninkani uu ku lug lahaa weeraradii Paris iyo Brussels iyo in kale, marka laga soo taggo inuu xiriir la lahaa shabakad argagaxiso.

Wuxuu cadeeyay in ninkani uu yahay muwaadin u dhashay Faransiiska, isla-markaana xiriir la leh waxa uu ugu yeeray shabakad argagaxiso.

Wasiirka, ayaa ku ammaanay Sirdoonka Faransiisku inuu soo gudbiyay macluumaadka la xiriira ninka weerarka qorsheynaayay, ee lagu xiray Caasimadda Faransiiska.

Wixii ka dambeeyay weeraradii 13-kii bishii November ruxay Magaalada Paris, ayaa sare loo qaaday heerka feejignaanta ee xoogaga ammaanka Faransiiska.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Argenteuil Argenteuil1 Argenteuil1- Argenteuil2 Argenteuil3 Argenteuil4 Argenteuil5 Argenteuil6 Argenteuil7 Argenteuil8