Daawo Sawirada Banaanbaxa ka socda Magaalada Baladweyne iyo Ciidamada Dowlada oo dhaawacay qaar ka mid ah dadkii Banaanbaxa dhigaayay

0

Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ayaa Magaalada Baledweyne waxa ay ku rasaaseeyeen dad isku soo bax ka dhigay Magaalada, kuwaasi oo ka soo horjeeday Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa dadkaan rasaas nool nool u adeegsaday, taasi oo keentay saddex ruux oo ka mid ahaa dadkii Banaanbaxa dhigaayay inay halkaasi ku dhaawacmaan.

Saddexda ruux ee dhaawacmay ayaa la dhigay Isbitaalka Magaalada Baledweyne, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayaa.

Ciidamada sida indha la’aanta ah dadka rasaasta ula dhacay ayaa doonaayay inay kala cayriyaan Bulshada reer Hiiraan ee Banaanbaxa isugu soo baxay.

Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Hiiraan weli kama aysan hadlin dhacdadaan lagu dhaawacay saddexda ruux ee ka tirsanaa shacabka Magaalada Baledweyne ee Banaanbaxa maanta dhigaayay.

Madaxweynaha Somaliya ayaa Magaalada Baledweyne kulan kula leh Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan oo weli ku adkeysanaya inaysan ka qaybgaleyn Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dadkan maanta lagu dhaawacay Magaalada Baledweyne ayaa waxa ay sii fogaanaysaa rajadii laga qabay in reer Hiiraan ay ka qaybgalaan Shirka, maadaama Bulshadooda oo aragtidooda Banaanbax ku muujiyay la rasaaseeyay.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Banaanbax-Baledweyne Banaanbax-Baledweyne-1 Banaanbax-Baledweyne-2 Banaanbax-Baledweyne-3 Banaanbax-Baledweyne-4 Banaanbax-Baledweyne-5 Banaanbax-Baledweyne-6 Banaanbax-Baledweyne-7 Banaanbax-Baledweyne-9 Banaanbax-Baledweyne-10 Banaanbax-Baledweyne-11