AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Kulamada gaar gaarka ah ee ka socda Magaalada Garoowe

0

Kulamo xasaasi ah ayaa xalay iyo maanta waxa ay dhexmareen Wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisulwasaaraha dowladda federaalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ee ku sugan Garoowe iyo guddiga maamulka Puntland u qaabilsan dhinaca la hadalka dowladda faderaalka.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in ay Puntland aqbasho habraaca doorashada 2016-ka oo ah in lagu galo doorashada habka awood qeybsiga Beelaha, In Punland ay sidaas darteed 3 xubnood loogu daray xubnaha aqalka sarre & In 2020-ka aan lagu soo laaban doonin nidaamkan.

Soo jeedinta Ra’iisulwasaaraha ayaa ahayd mid aan waxba jawaab ah dhinaca Puntland ka bixin, waxaana goor dhow furmi doona shir si toos ah loogu wada hadlayo, waxaana uu dhexmarayaa dhinacyada qaabilsan wada hadalada.

Puntland ayaa horey waxa ay u diiday Nidaamka 4.5, Ra’isal Wasaaraha ayaa Habeenkii labaad ku hooyanaya Magaalada Garoowe.