Waa Sidee Saaka Goobihii ay ku Dagaalameen Al-Shabaab iyo Galmudug ?

0

Xaalad degenaansho ah ayaa saakey lagu soo waramayaa in ay ka jirto deegaanadii ay dagaaladu ka dhaceen ee gobolka Mudug.

Waxaana halkaasi ku dagaalamay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug iyo ururka Al-shabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu hada ay tahay mid degan, waxaana dadka deegaanka ah ay ku waramayaan in ciidamada Galmudug iyo Al-shabaab ay ku kala sugan yihiin meelo aan sidaa u kala fogeen.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo ay doonayaan in ay maanta magaalada Gaalkacyo ku soo bandhigaan.