TOP:- Qaramada Midoobe oo qeylo dhaan u bilowday Soomaaliya

0

Sanduuqa Xaalada deg dega ee QM ayaa sheegay inay u baahan yihiin bixinta 11 Million oo doolarka Mareykanka si gargaar bini aadanimo loogu fidiyo dad gaaraya 224,000-qof oo abaare ku haysato dadka ku nool waqooyiga dalka.

Xafiiska QM ee arimaha bini aadanimo ee OCHA ayaa sheegay in sanduuqa uu u baahan yahay lacagtaasi si dadka dhibateysan loo badbaadiyo ee ku nool Puntland iyo Somaliland.

Taagerada OCHA ay dalbtay ayaa waxa ku jira cuno,Quudinta xoolaha,adeegyada dhinaca caafimaadka sida biyaha iyo mida caafimaad sida lagu sheegay warka xafiiska laga soo saaray.

OCHA ayaa sheegtay in hadii aan laga jawaabin gurmadka ay dalbatay ay dad badan gaajo ugu dhiman doonan Soomaaliya.