TOOS U DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID:- Madaxweyne Gaas oo ku sugan Garacad una Sheegay Ciidamada inay u diyaar garoobaan Howlgallo kuwii Al-Shabaab ka waa weyn

0

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan deegaanka Garacad oo ka mid ah deegaanadii ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo ciidamada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa waxa uu ciidamada guutada 2aad ee Difaaca Puntland uu kala hadlay arrimaha Sugida amaanka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in ay reer Puntland oo dhan iyo shacabka Soomaaliyeedba amaan u soo jeediyeen ciidamada, maadaama Al-shabaabkii weerarka ku qaaday deegaanada Puntland ay ka adkaadeen waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Gaas wuxuu ku booriyey ciidamadu in ay u diyaar garoobaan howlgallo kuwan ka waa weyn oo laga sameyn doono goob kasta iyo cid kasta oo ku soo xadgudubta deegaanada Puntland, isagoo dhanka kalana cadeeyey in dagaalka Al-shabaab uu san kan oo kaliya aheyn si kastana loola dagaalami doono.

Madaxweynuhu wuxuu balan qaaday in ay heli doonaan ciidamadu Xaquuqda ay sharciga u leeyihiin, isagoo si weyn ugu amaanay doorkii ay ka qaateen dagaaladii ay la galeen Al-shabaab.

HALKAAN KA DHAGEYSO