TOOS U DHAGEYSO:- Maamulka Gobalka Gedo oo sheegay inay bilaabeen howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab

0

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed xuseen Al-qaadi oo Idaacadda Risaala wreysi gaar ah siiyay ayaa waxa uu sheegay in ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab oo ay ka sameynayaan dhamaan deegaanada gobolka Gedo.

Maxamed xuseen Al-qaadi gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa uu tilmaamay in howlgalada ay si gaar ah uga sameyn doonaan deegaanada hoostaga gobolka Gedo.

Hadalka gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu sheegay in ay bilaabayaan howlgallo ururka Al-shabaab looga sifeynayo deegaanada iyo degmooyinka uu ka taliyo maamulka Jubbaland.

HALKAAN KA DHAGEYSO