Maxaa Sabab u ah inuu Fashil ku soo dhamaado Kulanka Ra’iisul Wasaare Cumar iyo Odayaasha HIIRAAN ?

0

Madaxda DFS waxa ay xarig jiid adag ugu jiraan sidii ay Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan loogu qancin lahaa inay ku biiraan qorshaha Maamul-gobaleedka loogu samaynayo Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dhowr bilood oo dadaal iyo xusul duub Siyaasadeed loo galay sidii loo qancin lahaa Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hiiraan waxa ay xaajaddu u muuqatay inaysan weli farri ka qodnayn.

>Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh waxa uu dhowr jeer isaga daba laabtay magaalladda Beledweyne, balse Odayaasha ayaa u muuqda inay weli saluug qabaan, isla markaana yihiin kuwo ay lugta u laaban tahay.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobalka Hiiraan ee xubnaha ka ah labada Gole ayaan isku aragti ka ahayn Qancinta Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan, waxaana Siyaasiyiinta ka dhex jira loolan hoose iyo Isbaaro Siyaasadeed.

Siyaasiyiin badan ayey niyadsami ka tahay Qabsoomidda Shirka Maamul u samaynta Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, balse, waxaa jira kuwo u ololeynaya in la qaadaco Shirkaasi iyo in la dhiso Maamul gobaleed Rimay-gacmeed ah si ay uga dhigtaan Maamul ay ku gorgortami karaan.

Xeel-dheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan Siyaasiyiin rajo ka qabin inay mar kale ka soo muuqdaan Dowladda cusub ee la dooran doono dabayaaqadda sannadkan, kuwaasi oo taasi beddelkeedana ka go’an tahay inay Odayaasha Dhaqanka ku tashkiiliyaan go’aan ay ku qaadacaan Madasha Shirka Jowhar.

Waxaa kaloo la sheegaa in Towfiiq la’aan ka dhex jirto Odayaasha Dhaqanka Beelaha wada degga Gobalka Hiiraan, kuwaasi oo isku fahmi la’ qaabka loo qeybsanayo awoodda Maamulka cusub ee la dhisayo, waxaana uu guux xooggan ka imaanayaa Beelaha looga tirada badan yahay iyo kuwa aan hubeysnayn.

Khilaafka noocaasi ayaa lagu tilmaami karaa mid sii ragaadin kara Dhismaha Maamul-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe oo horey mabda’ ahaan loo saxiixay, loona oggolaaday dedejinta Maamulkaasi.

Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid ayaa maalintii Seddexaad ku sugan magaallo-madaxda Gobalka Hiiraan ee Beledweyne, wuxuuna kulamo la leeyahay Odayaasha Dhqanka Hiiraan ee ka biyo diidsan dhismaha Maamul gobaleedkaasi.

Ra’isul wasaaraha oo ah Siyaasi waayo arag ah waxa uu ku guuleysan karaa dadaalkiisa, haddii ay Siyaasiyiinta Gobalka ku taageerayaan dadaalkiisa, balse, haddii ay Siyaasiyiinta, gaar ahaan Xildhibaanadda Reer Hiiraan dhabarka u jeediyaan dadaalkiisa waxay xaalladu noqon doono mid dhicis noqoto.

Ra’isul wasaaraha waxa laga rajeynayaa inuu Xildhibaanadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee Reer Hiiraan la yeesho Kulamo gaargaar iyo mid guud, si uu wax badan uga ogaado halka ay iinta ka jirto iyo inuu kala furfuro Shaqsiyaadka mucaaradsan Shirka Jowhar.

Odayaasha waxay ku adkeysanayaan in ay Xukuumadda u madax bannaaneyso Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha, si ay iyaga u qabsadaan Shirka Maamul-gobaleedka SH/dhexe iyo Hiiraan.

Odayaal kale ayaa ku doodaya in Gobalka Hiiraan loo qeybiyo Labo Gobal, si ay u dhistaan Maamul-gobaleed, taasi oo ay Xukuumadda u aragto mid aan Mustaxiil ahayn.

Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo kulankii ugu danbeeyay ka qaybgalay, ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in labada dhinac ay isu khilaafeen waxyaabihii laga wada hadlaayay, isla-markaana ay ku kala dareereen kulankaasi sidaana uu shirka kala dhexeeyay Xukuumada Somalia ku fashilmay.