LIVE DHAGEYSO:- Kenya oo dalbatay in Ciidamada AMISOM la Kordhiyo, Maxay Tahay waxa ay damacsan yihiin ? Ogow

0

Kulan ka dhacay magaalada Nairobi gaar ahaan degmada Karen oo ay kasoo qeyb galeen safiirada caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi iyo xubnaha dalalka reer galbeedka uqaabilsan dhanka amniga ayaa looga hadlay arimo la xiriira howlgalka AMISOM ee Kasocda Tan iyo 2007dii Soomaaliya.

Kenya waxaa shirkan uga qeyb gashay Wasiirka Difaaca Kenya haweynayda lagu Magacaabo Raychelle Omamo oo khudbad KA jeedisay kulanka.

Wasiiraddu waxay sheegtay in Kenya qoraal codsi ah hordhigi doonto Qaramada Midoobay kaaso oo ku saabsan in Kenya ay diyaar utahay inay ciidamo dheeraad ah ku biiriso AMISOM si loo xoojiyo dagaalka lagulka jiro Alshabaab.

Haweynadan waxay sidoo kale ka codsatay dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia inay ciidamadooda kordhiyaan.

Waxa ay intaas ku dartay in hadii qaramada midoobay codsigooda aqbasho inay qorsheyn doonaan tirada ciidan ay ku kordhin doonaan howlgalka AMISOM.

Omamo wasiirka Gaashaandhiga Dalka Kenya waxey dhinaca kale ka hadashay Saameynta Yareynta 20% Dhaqaalihii Midowga Yurub uu Kubxin Jiray Howlgalka AMisom ee Soomaaliya.

Kenya ayaa Kamid ah Dalalka ay Ciidamadooda Kajoogaan Soomaaliya waxeyna dalka soo galeen sanadii 2011kii xiligaas oo sii kordheen Afduubka shabaab ay ka sameeyaan Magaalo Xeebeeda Mombaso ee Dalkaasi Kenya.

HALKAAN KA DHAGEYSO