DHAGEYSO:- Galmudug oo beenisay in Al-Shabaab ka soo laabtay PUNTLAND ay qabsadeen Degaanka Af-Barwaaqo

0

Maamulka Degaanka Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug ayaa beeniyay in Ciidan ka tirsan Al-shabaab oo ka soo laabtay dhinaca Puntland ay qabsadeen degaankaasi oo ka tirsan Maamulka Galmudug.

Guddoomiyah Degaankaasi Af-Barwaaqo Max’ed Xasan, oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in aysan jirin Ciidan ka tirsan Al-shabaab oo qabsaday degaankooda,waxaana uu sheegay in isagaba uu joogo degaanka islamarkaan aysan AL-shabaab qabsan.

Dhinaca Xeebta Gobolka Mudug qeybta Galmudug ayuu sheegay in ay Al-shabaabku jiri karaan,laakiin aysan soo gaarin degaanka Af-Barwaaqo oo ka fog Xeebta sida uu hadalka u dhigay.

Degaannada ayuu sheegay in ay kala fogyihiin,islamarkaana isaga uu maqlay in Xubno ka tirsan Al-shabaab ay gudbeen,kuwaas oo uu sheegay in meel Af-Barwaaqo u jirta 70KM ay mareen,aysanna tagin degaanka Af-Barwaaqo.

HALKAAN KA DHAGEYSO