TOOS U DHAGEYSO:- Booliska iyo Gaadiidleyda BOOSAASO oo Xiisad kulul ay ka dhex jirto

0

Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa ka cabanaya Gaax ay ku soo rogeen Booliska Magaaladaasi oo ku amray in ay iibsadaan Ruqsadda Gaadiidka,ka horna ay iska bixiyaan Lacago Ganaax ah oo uu Booliska soo rogay.

Wadayaasha ayaa sheegay in uusan Ganaax qaban Karin,maaddaama aan la siin Ruqsadda,islamarkaana ay diyaar u yihiin qaadashada Ruqsadda Gaari ka xeynta iyo midda uu Gaariga uga shaqeynayo magaalada,waxaana ay ka biya diideen lacag ay ku sheegeen $100 (Boqol Doollar) oo ay Talisku weydiiyeen.

Qaar ka mid ah Wadayaasha ayaa Maamulka Puntland ka codsay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay ka sheeganayaan Booliska Gobolka Bari,gaar ahaan Boosaaso.

Dhanka kale Taliska Booliska ayaa beeniyay warka ka soo yeeray Gaadiidleyda ee ah in la weydiiyay Lacago Ganaax ah ka hor inta aysan qaadan Ruqsadda.

Waxaana ay sheegeen in kuwa Lacagta Ganaaxa ah la dulsaaray ay yihiin kuwo Gaadiidka melo aan sharci ahayn ku meeleeya (Parking).

HALKAAN KA DHAGEYSO