DHAGEYSO:- Qiimaha Biyaha ee Degmada Qoryooleey oo Sare u kacay

0

Qiimaha la kala iibsado Biyaha ee Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sare u kacay ka dib markii biyaha Wabiga ay gureen.

Qiimaha foostada biyaha ee Degmada Qoryooleey ayaa la sheegay iney hada gaareyso 120 Shilling Soomaali ah, waxaana shacabka ku nool degmadaasi ay hada ku sugan yihiin sida la sheegay xaalad adag oo dhanka biyaha ah.

Sidoo kale shacabka ku nool Degmada Qoryooleey oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu baahan yihiin biyo maadaama sida ay sheegeen uu guray biyaha Wabiga.

Beeraleyda gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Degmada Qoryooleey ayaa dhankooda sheegay iney saameyn ku yeelatay sare u kaca qiimaha biyaha.

Hoos ka Dhageyso Codka:-