DEG DEG:- Galmudug oo gacanta ku dhigtay Saraakiishii hogaamineysay dagaalkii Puntland

0

Ciidamada Galmudug ayaa Xaafado ku yaalla Koofurta Magaalada Gaalkacyo ku qabtay  30 ka mid ah Shabaabkii Puntland kula dagaalamay  Degaanka Garacad.

Ciidamada ayaa la sheegay in ragaan ka tirsan Al-shabaab ay ka soo qabteen Xaafado ka mid ah Koofurta Magaalada ee Galmudug,kuwaas oo ku dhuumanayay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Maamulka Galmudug ee Gaalkacyo ku sugan ayaa Xaqiijiyay in 30 ka mid ah Al-shabaabkii Puntland dagaaka kula galay deegaanka Garacad oo Labo ay Dumar yihiin Gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Shabaabka lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ay iskugu jiraan kuwo Hubeysan oo wada Hubka fudud iyo kuwo kale oo Shacab iska soo dhigay.