Daawo Sawirrada:Qaar Kamid Ah Waxgaradka Beesha Sade Ee Magalaada Kismaayo Oo Qado Sharaf U Sameeyay Cabdi Maxamed Jaamac. (Cabdi Waayeel).

0

Magaalada Kismaayo ee xaruunta Gobolka Jubada Hoose ayaa Waxaa maanta qaar kamid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiinta, ururada haweenka iyo ganacsatada beesha Sade Ay kulan qado sharaf ah ugu sameeyeen sidoo kalena shahaado sharaf ay ku gudoon siiyeen Cabdi Maxamed Jaamac (Abdi Waayeel) Ex Agaasimihii hore ee Jamacadii Ummada Soomaliyeed Xiligii Dowladii AUN’e Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare.

Cabdi (Waayeel) ayaa sidoo kale kamid ahaa siyaasiinta sida weyn oga dhex muuqda beesha sade. Islamarkana kamid ah dadka qurba joogta ah Ee ku nool wadanka Uganda.

Abdi (waayeel) ayaa kaalin lixaad leh kasoo qaatay Taaba galinta iskuulka Guulwade ee magalada Kismaayo. Kasoo ay wax ka bartaan in kabadan1500 oo ardey Iyo Sidoo kale iskuulaad tayo iyo wax tar leh. Oo kuyaala Magaalooyinka Cabudwaaq Iyo Garbahareey Waxana uu hada Hormuud ka yahay dhismaha Jaamacada. Magalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.
Aqoonyahan Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa uga mahadceliyey sida weyn ee loogu marti qaadey magalada Kismayo.

“aad ayaan idiin kugu mahadcelinayaa Odayaasha haweenka iyo ganacsatada beesha sade ee sida weyn iigu marti qaadey magalada Kismaayo, Iima muuqato wax tarka aan sameyey, Laakiin waxaa ii muuqdo in aan sii laba jibaaro howlaha aan idiin hayo Ilaa laga waayo qof aqoon la’aan ah beesha Sade. Ayuu yiri siyaasi Abdi (Waayeel)

Dhanka kale waxaa hadalo amaan ah usoo jeediyey Shekh Axmed Siiro Oo kamid ah Culamada sida weyn looga ixtiraamo Gobolada Jubooyinka Ugu danbeyna gudoon siiyey Shahaado Sharafta uu muteystay Aqoonyahan Cabdi Maxamed Jaamac. (Cabdi Waayeel)

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

waayeel3 waayeel4 waayeel5 waayeel6 waayeel7 waayeel8 waayeel9 waayeel10 waayeel11 waayeel12 waayeel13 waayeel14 waayeel15 waayeel16 waayeel17 waayeel waayeel1 waayeel2 waayeel18 waayeel20 waayeel21