WAR DEG DEG:- Maamulka Puntland oo sheegay in Al-Shabaab ay isaga baxeen Deegaanadooda

0

Wararka laga helayo Garacad ayaa sheegaya in uu soo dhamadaay dagaalkii ay Puntland kula jirtay Shabaab kaasoo ka soconayay agga Garacad.

Shabaab ayaa galabta ka sii gudbayay meel dhinaca koonfur kaga beegan dhinnooda gaar ahaan agga Moosil waxayna gudaha u galeen deeganada hoostaga Galmudug.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalka Garacad ay ku dileen in ka badan 100 askari oo ka tirsan Al-shabaab sidoo kalana ay hayaan maxabiis ka badan 50 kuwaaso u badan caruur sidoo kale Pl waxay sheegtay in ilaa 6 askari ay kaga geeriyootay dagaalka garacad ilaa todobaadkii uu socday dagaalka.

Madax ka tirsan PL ayaa gaaray deeganka Dhinnooda halkaasi oo maanta xili hore ay ka sii gudbeen Al-shabaab waxayna kula hadleen dadka deeganka iyagoo sidoo kalana xaqiijiyay in shabaab ay ka baxeen xuduudda PL isla markana ay u gudbeen dhanka Galmudug.

Shabaabk u gudbay dhanka Galmudug ayaa u badan Sarakiishi hoggaminayay dagaaladii dhexmaray Puntland iyo Shabaab iyo sidoo kale dagalyahano ka tirsan kooxdaas kuwaaso dadka deeganka ku qiyaaseen in ay garayeen ilaa 100 dagaalyahan.