WAR DEG DEG:- Al-Shabaab oo Amaro adag dul dhigay Dadka Shabeellaha Hoose

0

Sida laga soo xigtay Ganacsato ku sugan qeybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose oo diiday in Magacooda iyo Codkooda intaba loo Adeegsado Warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay dadka ku nool Gobolka Shabellaha Hoose meelaha ay Maamulaan ku soo rogeen Amaro Adag.

Amarada ayaa la sheegay in ay yihiin in Ganacsatada Gobolka Shabellaha Hoose aysan ka gacansan karin waxyaabaha ay soo saaraan Tukiga Ciddii lagu Arko iyadoo ka Ganacsaneysana Nolosha lagu gubi doono.

Qaar kamid ah Ganacsatada ka shaqeysata qeybo ka mid ah Gobolka oo ay Al-shabaab joogaan ayaa Arrintaasi Walaac ka muujiyay,waxaana ay Xuseen in Amarkaan uu yahay mid Saameyn ku yeelanaya Shaqadooda.

Al-shabab wali kama hadlin Amaradaasi ay ku soo rogeen Ganacsatada Gobolka Shabellaha Hoose,inksatoo Al-shabaab ay horay u sheegeen in Dowladda Turkiga ay kamid tahay Dalalka Soomaaliya Caawiya oo ay Dagaal la galayaan.