TOP NEWS:- Saraakiisha Diinsoor Oo Sheegay in Ay Soo Qabteen Sarkaal Ka Tirsan Al Shabaab

0

Cabdullaahi Sheekh Max’ed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Milatariga Maamulka Koofur Galbeed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen Sarkaal ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Cabdullaasi Sheekh Max’ed in ay soo qabteen Sarkaalkaan isagoo basaasaya Ciidamada maamulka Koofur Galbeed sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Cabdullaahi Sheekh Max’ed ayaa sheegay in Ninkaan oo uu magaciisa ku soo koobay Maroorow ku xiran yahay Saldhig ku yaalla degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayaa maalmihii dambe waxa ay howlgallo ka wadeen degmada Diinsoor iyo deegaanno ku dhow dhow.