DHAGEYSO:- Qaramada Midoobay oo amaantay ciidamada Puntland

0

Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa si adag u cambaareeyay duulaankii Al-shabaab ay ku galeen gudaha deegaanada Puntland oo bilowday 14 Maarso ee bishan.

Mr Keating, wuxuu sidoo kale bogaadiyay jawaabka ciidamada Puntland ay ka bixiyeen duulaanka ciidamada Alshabaab ku galeen gudaha deegaanada maamulkaasi, wuxuuna sheegay iney soo dhaweynayaan.

“Waxaan bogaadinayaa jawaabta deg dega ah oo ay bixiyeen ciidamada Puntland intii ay socdeen dagaalada ugu dambeeyay iyo duulaanka Al-shabaab ee Puntland”ayuu yiri Keating.

Sidoo kale ergayga gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay taageerada dowlada Soomaaliya ay siisay maamulka Puntland, maadaama ay ugu deeqday Puntland hub iyo raashiin bisil.

Wuxuu sheegay in wadashaqeyn dhexmartaa ciidamada kala duwan ee dowlada iyo maamul goboleedyada ay tahay ololaha la doonayo in ugu dambeyn looga adkaado Al-shabaab, sida uu sheegay.

Puntland ayaa dhankeeda sheegtay iney ka adkaadeen Al-shabaabkii duulaanka ku qaaday deegaanada Puntland ayna qabteen maxaabiis badan, kuwaasi oo qaarkood saxaafada loosoo bandhigay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-